Gaarigaan oo  ay saarnaayeen Dad Shacab ah ayaa lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaarigaan oo ah Nooca Soomaalidu u taqaano Hoomeyda ayaa waxaa rasaastii lagu furay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday.
Weli lama oga cida ka dambeysa rasaastaas lagu furay Gaariga rakaabka Siday iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Maalmihii las oo dhaafay ayaa waxaa Cabasho kas oo yeereysay Shacabka iyo Gaadiidka Isticmaala Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Idaacadda Dalsan ayaa xiriir la sameysay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan degmada Afgooye balse kama jawaabin taleefoonadeena.