Saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran wax ay howlgallo kala duwan ka wadaan halka loo yaqaano Buuraha Calmadoow ee Gobolka Bari.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday ay ku qabteen ilaa 4 Ruux oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabab oo mararka qaar lagu arko Buuraha Calmadoow iyo Galgala ee Gobolkaasi Bari.
Faah faahin intasi dheer Saraakiishu kama sii bxiin holwglka oo weli socda,waxaana Buuraha Calmadoow iyo Galgala ay Madaxda Puntland sheegeen in ay ku dhuumaleysanayaan Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaiya.