Maamulka Bangiga Dhexe oo War kasoo saaray Dabkii ka kacay Xarunta Bangiga

Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  ayaa war kasoo saaray dabkii xalay saqdii dhexe ka kacay Xarunta Bangiga ee ku taalla Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay maamulka Bangiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in dabka markii hore uu ka bilowday qol kamid ah xafiisyada dambe ee Bangiga Dhexe, isla markaana uu dabkaas uu ka dhashay koronto, hayeeshee markii dambe la demiyay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay mamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Habeenimaddii xalay ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd.

Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin.

Ciidanka ilaalada Bangiga Dhexe ayaa markiiba ogaaday, isla-markaana degdeg u wargeliayay Ciidanka Dabdemiska, Maamulka Bangiga, Hay’adaha amniga iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Dabdemiska oo muddo daqiiqado kooban ah ku demiyay dabkaas.

Ma jiro wax khasaare naf ama hantiyeed oo soo gaaray Bangiga Dhexe, marka laga reebo fiilooyinka korontada ee qolkii dabku ka kacay oo u baahan in la beddelo.

Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu u mahad celinaynaa ciidamka dabdemiska iyo hay’adaha amniga oo gacan weyn ka geystay in laga hor tago in khasaare ka dhasho dabkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media