Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Maamulka Puntland waxa ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari kaas oo Sarakiishooda ay shegeen in amniga lagu xaqiijinayay.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxa ay ka sameeyeen deegaanka Hirweyne iyo buuraha Calmadoow ee isla Gobolka Bari halkaas oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.
Saraakiisha Puntland qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegen in howlgalkaan uu yahay mid ay ku baadi goobayaan rag ka tirsan Kooxda Daacish.
Xaalada Goobihii howlgalka laga sameeyay ayaa ah mid caadi ah waxana haatan ku sugan ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland.