Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Dooni nooca Kalluumeysaiga oo laga leeyahay dalka Giriiga, taasi oo ay la socdeen 310 Tahriibayaal.
Doonidaasi ayaa la sheegay in shalay galab lagu joojiyey Xeebta magaalladda  Dardanelles ee Galbeedka Turkiga ee Badda Ajiyan, xilli ay ku sii jeeday Xeebaha dalka Giriigga.
Ilaaladda Xeebaha Turkiga waxay sheegeen in Tahriibayaasha la qabtay ay ka soo kala jeedeen Somalia, Syria, Pakistan, Afganistan, Hindi, Iiraan iyo Sri Lanka.
Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay badankooda ka soo kala jeedeen Syria iyo Pakistan.
Dhinaca kale, Ilaaladda Xeebaha Turkiga waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 9 Mukhalasiin u kala dhalatay Turkiga iyo Bella Ruusiya, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay Tahriibayaasha si qarsoodi ah ku geyn lahaayeen Xeebaha Giriigga.
Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa horey u sheegtay inay in ka badan 867,000 oo Tahriibayaal ah gaareen dalka Giriigga, kuwaasi oo laga tahriibiyey dalka Turkiga.