Cali Jeyte Cusmaan gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa eedeyntaas u jeediyay Maamulka Gobolada dhexe ee ahlusuna Wal-Jamaaca.
Waxa uu sheegay in dagaalo dhowr ah oo ka dhacay deegaanka Baanyaaleey iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Matabaan ay iyaga qeyb ka ahaayeen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhowr mar ay ishor-istaag ku sameeyeen waan waan iyo Gogol Nabadeed oo uu dhigay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif isla markaana dagaalada ka dhaca deegaanka Banyaleey ay masuul ka yihiin.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Shacabka dega Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud in ay Nabada ka Shaqeeyan isla markaana ay wada noolaadaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Cali jeyte.