Afhayeenka madaxtooyada dalka Abdinur Mohamed Ahmed oo caawa ka qeybgalayey dood ay BBC da qabatay ayaa si cad uga jawaabay eedeymihi maalmahan ay beesha caalamka so saareysay ee ku aadanaa in dalku si galayo qalalaase siyaasadeed kadib tuuritaankii uu Baarlamaanka tuuray Raisal wasaarihi dalka Xasan Cali Kheyre ,
Abdinur waxa u sheegay in beesha caalamka hadii ay maalgashaneysay qof oo sida muuqata uu ula jeeday Raísal wasaare Kheyre aysan mico weyn laheyn taageradaas balse hadii ay taagareyeen hay´daha dastuuriga ay shaqeynayan hayádaa iyo madaxeynihi dalka ee magacaabay Raísal wasaaraha.
Mar wax laga weydiiyey sharciyada loo adeegsaday saaristii kheyre iney qalad aheyd waxuu sheegay in barlamaanka ay garden goáankaas madaxweynuhuna goáankaas uu ku taageray oo uusan lug kale ku laheyn.
Afhayeenka waxu ku nuuxnuuxsaday in Doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso Dhuusamarebna la aadayo sida ballant tahay si lo si ambaqaado Hawlaha Geedi socodka Doorashada dalka .