Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani oo la hadashay Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Maanta Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu khudbad ka jeedin doono Shirka dhaqaalaha Aduunka kana dhici doona Dalka Swezerland.
Faadumo C/llaahi Insaani Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland ayaa tilmaantay in R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kuna aadan baahiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya uu maanta ka jeedin doono shirka.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa inuu shirka ka dib kulamo kala duwan la qaado Madaxda Shirka ka qeyb galaysa isagoona hor dhigi doona Baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Dalka Soomaaliya oo loo arko in uu yahay Dalka Dihan kuna fiican Maalgashi dhaqaale.