Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland C/qaadir Shire Faarax (Erag) aya lagu soo waramayaa in uu manta iska casilay xilkii gudoomiyenimo.
Gudoomiyaha ayaa warqadihiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.
Sababta Oo Isku Casilay Gudoomiyaha Ma Cadda Balse warar hoose ayaa sheegaya inuu jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Duqa Degmada Gaalcayo iyo Wasaaradda Maaliyada Maamulka Puntland.
C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa xilkan gudoomiyenimo hayay kaliya shan bilood.