Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Socdaalka Ra’iiul Wasaaraha uu ku tegayo Marka ayaa waxaa ku wehlinaya qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Magaalada Marka ayaa waxaa la dareemayaa qabanqaabada lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo saacadaha soo socda gaari doono halkaas,isla markaana waxaa uu kula kulmi doonaa inta uu ku sugan yahay dadweyne farabadan oo kamid ah Bulshada reer Marka.
Xasan Cali Kheyre ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo,isagoona socdaal ku tegaya Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,waxaana uu halkaas uu ka soo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo kala duwan.
Ammaanka guud ee Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.