Sawirro:-Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo lagu soo dhaweeyay dalka Cuman

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Muscat ee dalka Cumaan.

Wasiir Goodax ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Muscat International Airport kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Cuman iyo Madax ka tirsan dalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Cuman uga qeyb galaya shirka Mena Innovation oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalalka Carabta.

Sidoo kale inta halkaas ku sugan yahay Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu kulamo kala la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirka Mena Innovation iyo Mas’uuliyiin kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media