Wararka aan ka heleyno Magaalaa Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas uu iska hor imaad ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Milateriga dowladda gaar ahaan kuwa Danab ee halkaas ku sugan.
Wariyaha warbaahinta Dalsan ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Israsaaseyn kooban ay dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowladda,isla markaana uu ka dhashay Khasaaro.
Ugu yaraan hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda ayaa ku dhaawacmay Israsaaseyntii dhexmartay Ciidanka,kaasi oo dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka guud Magaalada.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Isku dhaca Ciidamada uu yimid,kadib markii qaar kamid ah Ciidanka ay ku murmeen waxyaabaha Maanka dooriya oo la sheegay inay Isticmaalayeen.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ay uga hadlayaan Israsaaseyntii saakay Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmartay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.