Madaxweynaha Masar oo ballan qaaday in Sharciga la soo taagayo kuwii ka dambeeyey Tahriibayaashii ku le’day Xeebaha dalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu Maamulayaasha ku amray inay ciqaabaan kuwii ka dambeeyey falkaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 160-Tahriibayaal.

Kooxaha Gurmadka iyo Kalluumeysatada Masar ayaa soo badbaadiyey 169 ka mid ah Tahriibayaashii ay Doonida Arbacadii la soo dhaafay kula degtay Xeebaha dalkaasi.

Ilaa 600 Tahriibayaal oo u kala dhashay dalalka Masar, Somalia, Sudan iyo Eritrea ayaa la sheegay inayla socdeen Doonidii degtay, waxaana ilaa haatan la helay maydadka 164-qof.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor