Warbixin kasoo baxday Milateriga Maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in taageerada dalalka caalamka ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay khatar ku tahay amniga deegaannada ay gacanta ku haayan maamulkooda.
Somaliland ayaa shaacisay in Askar ay tababareen Mareykanka iyo Imaaraadka ay ka qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaasi oo u dhexeeyay ciidanka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, ayna dhaliyeen khasaarooyin farabadan oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed leh.
“Deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya waxay khatar ku yihiin amaanka Somaliland, askar ay tababareen waddamada Maraykanka iyo Imaaraatku ayaa waxay qayb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood, taasi oo sababtay in ay magaaladu gasho xaalad hubanti la’aan ah” ayaa lagu yiri warbixinta.
Sidoo kale Warbixinta kasoo baxday Milateriga Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in haatan ay qorsheynayaan inay ay xulufo la noqdaan dalalka Shiinaha, Iran iyo Ruushka hadii xisbiyada mucaaradku doorashada ku guulaystaan.
Waxay warbixintu tilmaamtay in magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto xoogag argagixiso qayb ka tahay, kadib markii ciidamadadii loo tababaray Soomaaliya, iyo taageeradii dhaqaale ee la siiyayba loo isticmaalay in Somaliland lagu burburiyo, iyagoona walaac ka muujiyay taageerada ay Beesha caalamka siiyaan Soomaaliya.