Afhayeen u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa ka hadashay weerarkii lagu qaaday deegaanka Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe.
Miss White waxay sheegtay in 11ka bishan June, saacaddu markii ay ahayd qiyaastii 2 saqda dhexe ka dib ay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Marayakanku ay qaadday weerar ka dhan ah Alshabab ee Somalia.
Afhayeenka ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay qiyaastii 185km dhinaca koonfur-galbeed ee magaalada Muqdisho, iyada oo weerarkaas ay ku dhinteen 8 Al-Shabaabkii la weeraray ka mid ah.
Afhayeenka ayaa sheegtay in iskaashi dhex maray Maraykanka iyo dadka ay wada shaqeynta leeyihiin.
Talaabadan ayaa afhayeenku sheegtay in jawaab toos ah ay u tahay falalka Alshabab, sida mid dhawaan uu ku qaaday ciidanka Somalia.
Afhayeenka ayaa sheegtay in weerarkan la qaaday iyada oo la raacayo ogolaanshihii madaxweyne Trump ee soo baxay bishii March ee sanadkan 2017, kaas oo ogolaanay in Alshabaab lagu weerari karo goobo gaar ah, iyada oo taageero la siinayo ciidanka Somalia.
Afhayeenka ayaa sheegtay in Maraykanku uu sii wadayo taageerada ciidanka ay wada shaqeynta leeyihiin ee Somalia ilaa inta xasilooni iyo amni ay gobolka ka dhalanayaan.