Aqoonyahanada, Waxgaradka Jaalliyadda Jufada Absuge ee Beesha Wacaysle Abgaal ee ku nool dalka Britain ayaa soo saaray Qoraal ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Ergadda la dhoodhoobay ee loogu tala-galay inay si sed-bursi ah ku boobaan Xubinta Jufadda Absuge kaga soo aaday Saami-qeybsiga uu Suldaanka Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido soo saxiixay.
Nuqul ka mid ah Qoraalka ay Jaalliyada Jufada Absuge ka soo sareen dalka Britain oo la soo gaarsiiyey Warqabadka Radio Dalsan ayaa waxaa Qoraalkaasi si toos ah loogu kala diray: Guddiga Doorashadda Heer Federalka iyo Guddiga Doorashadda ee Galmudug, Guddiga Xalinta Khilaafyadda Heer Federalka iyo Guddiga Doorashadda ee Galmudug, Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka, Wakiilka QM ee Arrimaha Somalia, Beesha Caalamka iyo Dowladaha saaxiibka la ah Somalia.
Qoraalka waxaa lagu xusay in loo digay Shaqsiyaadka abaabulayo Ergadda Been-abuurka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallin C/kariim, Ganacsade Yaasiin Dhagool iyo Ganacsade Ismaaciil Wardheere.
Qoraalka waxaa lagu sheegy inay Xubinta Ragga ee ay Jufada Absuge ka heleen Saami-qeybsiga yahay mid aan lagu xad-gudbi Karin, lagana geli Karin gorgortan, maadaamaa uu Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Maxamed Cabdi Shido horey u soo saaray Saami-qeybsiga Jufooyinka Beesha Wacaysle ee xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, iyadoo Beesha Cali Gaaf ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saami u heleen xubinta Qoondada Haweenka.
Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Waxgaradka, Aqoonyahannadda Jalliyadda Jufada Absuge ee Beesha Wacaysle ee deggan dlka UK ku soo aadaysaa iyadoo ay Aqoonyahanadda, Odayaasha Dhaqanka iyo Culumaa’udiinka Jufadda Absuge ku nool gudaha Soamlia ka digayaan cawaaqib-xumid ka dhalan karta Ergadda Been Abuurka ee laga abaabulayo Muqdisho, loona soo daabulayo magaalladda Cadaado, si ay u boobaan Kursiga Jufada Absuge ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Qoraalka ay Aqoonyahanadda, Odayaasha Dhaqanka iyo Culumaa’udiinka ee Jufada Absuge kaga cabanayaan Faragelinta iyo Ergadda Been Abuurka ayaa waxaa loo kala diray Beesha Caalamka, QM, Guddiga Doorashadda Dadban ee Federalka iyo Guddiga Xalinta Khilaafyadda ee Doorashadda, iyadoo uu murankaasi qeyb ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jufadda uu ka soo jeedo ee Cali Gaaf sami u heleen Kursiga Qoondada ee Haweenka.
Si kastaba ha ahaatee, Kursiga Jufadda Cali Gaaf ayaa ah Kursiga ugu khilaafka badan, iyadoo ay Beesha Caalamka, iyadoo Madaxda Madasha Qaranka indhaha ku hayaan Kursigaas oo uu muranka xooggan ka taagan yahay.
©Radio Dalsan