Ergayga Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Syria, James Jeffrey waxa uu si rasmi ah uga codsaday dowladda Jarmalka inay soo diraan ciiddamo bedela kuwa Maraykanka, si ay gacan uga geystaan dagaalka lagu jiro Dagaalamayaasha Daacish ee weli ku sugan gudaha dalka Syria.
Waraysi uu siiyey Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA waxa uu ku sheegay inay Isbahaysiga Maraykanka u baahan yihiin in taageero Farsamo la siiyo Maleeshiyadda Kurdishka la magac baxday ciiddanka Dimuqraadiyadda Syria ee SDF, kuwaasi oo dagaalka kula jira Daacish.
Waxa uu si gaar ah uga codsaday Dowladda Jarmalka inay soo diraan Ciiddanka dhulka, Tababarayaal Milliteri, Khubaro dhanka Loojistikada si ay u taageeraan Maleeshiyadda Kurdishka ee SDF ee ay Isbahaysiga Maraykanka taageeraan.
Dhinaca kale, Ergayga Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Syria, James Jeffrey waxa uu tilmaamay inay Dowladda Jarmalka ka rajeynayaan jawaabta codsigaasi bishan July gudaheeda.
Dagaalka Isbahyaisga Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda Dacaish, waxaa qeyb ka ah 80 Waddan, iyadoo Milliteriga Jarmalka qeyb ka yihiin Hawlgalkaasi, waxayna Tababarayaal Milliteri ka joogaan dalka Iraq ee deriska la sh dalka Syria