Toboneeyo qof oo laga Afduubtay Gobol ku yaalla Afghanistan

Sarakiisha dalka Afqaanistaan ayaa waxay sheegeen in kooxda Taliban ay afduubteen toboneeyo qof oo rayid ah.

Afduubka ayaa sida ay saraakiisha sheegeen waxaa uu ka dhacay Gobolka Ghazni ee ku yaalla bartmaha dalkaas.

Sarkaal sare oo ka howgala degmada Khwaja-Omari ayaa sheegay in dadkani ay ku noolaayeen tuulooyiin ay maamulaan kooxda Taliban.

Balse Afhayeen u hadlay kooxda Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in ay ka xeysteen oo kali ah 20 qof .

20 qof ayay Taliban ku tilmaameen in ay yihiin xubno ka tirsan maleeshiyaad ay dowladda taageerto.

Wararka ayaa sheegaya in dadka deegan tuulooyiinkan ee ay Taliban afduubteen ay ka dhaga adeegeen amarkii Taliban ee ahaa in aysan doorashadii madaxwaynanimada ka qayb qadan.

Kooxda Taliban ayaa waxay horey dadka uga digeen in ay ka qayb qaatan doorashadii madaxwaynanimada ee dalkaasi Afqanistaan ka dhacday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media