Golaha Shacabka oo Maanta ka doodi doona Ajendayaal muhiim ah

Maanta oo Sabti ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay kulankoodii caadiga ah ay ku yeelan doonaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa Maanta ka doodi doona Ajendayaal dhowr ah, kuwaasi oo kala ah Akhrinta Koowaad ee xisaab xirka Miisaaniyada sanadkii 2018, dhameystirka Axdiga Midowga Afrika ee dhawrista iyo Gargaarka Barakacayaasha Afrika ee (Axdiga Kambaala) iyo Warbixinta Safarkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Itoobiya.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka Bisha November uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan.

Todobaadkii lasoo dhaafay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyay Miisaaniyada dowladda ay ku shaqeyn doonto Sanadka Cusub ee 2020-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media