Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku dileen mid kamid ah Nabadoonada Gobolka Mudug.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Nuur Geesdiir, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii toogtay Geesdiir, waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Gaalkacyo.
Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii lagu dilay C/raxmaan Geesdiir, iyagoona sheegay in Marxuumka uu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka xaafadda Garsoor, isla markaana wada shaqeyn dhow uu lalahaa Saraakiisha Ciidamada PS-ta Maamulka Puntland.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Puntland oo ay uga hadlayaan dilkii xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo loo geystay Guddoomiye ku-xigeenka xaafadda Garsoor.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro, waxaana falalkaas mas’uuliyadooda inta badan sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab.