Faah faahin kasoo baxeysa Taliye Ciidan oo lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa maanta xaafada Gubta gaar ahaan waaxda Barwaaqo ee degmada Deyniile ku dilay Taliyihii Ciidanka Booliska ee Waaxdaasi, halka askari kalana uu dhaawac u gestay.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in Askariga dilka gestay iyo Sarkaalka la dilay uu soo kala dhax galay khilaaf kooban oo markii dambe keenay in Askariga caroodo, uuna rasaas huwiyay taliyihiisa iyo askari kale oo la joogay.

Askariga ayaa dhowr xabadood ku dhuftay  taliyihiisa  oo magaciisa lagu soo koobay Calas, waxaa sidoo kale rasaastaasi ku dhaawacmay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka booliska.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Askariga Booliska ee dilay Taliye Calas oo isku dayey inuu baxsado ayaa laamaha ammaanka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir gacanta ku dhigeen Askariga dilka geystay, kaasi oo la xiray.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha laamaha ammaanka degmada Deyniile oo ay uga hadlayaan dilkaas ka dhacay waaxda Barwaaqo ee degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor