Guddoomiyaha Majmaca Muslimiinta Kenya, Ciise Axmed ayaa ugu baaqay Safaaradda Maraykanka inay baahiyaan Muuqaalada ay duubeen Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV ee ku rakiban Safaaradda Maraykanka, si loo ogaado xaqiiqda qaabkii ay Askarta Kenya Khamiistii la soo dhaafay u dileen Marxuumkaas oo la oran jirey Cabdi Mahad Ibraahim.
Marxuumka oo 24-jir ah ayey ku eedeeyeen Saraakiisha Ciiddanka Kenya iyo Ilaaladda Safaaradda Maraykanka inuu dhaawacay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya, kaasi oo ilaalo ka hayey Safaaradda Maraykanka oo ku taalla Xaafadda Gigiri ee magaalladda Nairobi.
Guddoomiyaha Majmaca Muslimiinta Kernya, Ciise Axmed oo soo saaray War Saxaafadeed waxa uu sheegay inay jiraan caddaymo la heli karo oo ay ku jiraan Qoraalo ay Qoyska Marxuumka soo saareen iyo Sawiradda goobta lagu dilay Marxumka, kuwaasi oo muujinaya inuu Sarkaalka aad ugu degdegay dilka Marxumka.
Waxa uu ka codsaday Safaaradda Maraykanka inay baahiyaan Muuqaalladda CCTV ee falka lagu dilay Marxuumka, taasi oo gacan ka geysanayso Faahfaahinta waxa dhacay ka hor dilka Marxuumka.
“Haddii aan arrimahaasi la samaynin, waxaa aad u adkaan doonto in la dhameeyo Kiiskaasi, waxaana suurto-gal ah in la qarinayo qaabka dilkaasi” ayuu yiri Mas’uulkaasi.
Wuxuuna ugu baaqay Dowladaha Kenya iyo Maraykanka in la dedjiyo sidii Baaritaan Madax-banaan loogu samayn lahaa Shilkaasi, lana baahiyo Natiijadda Baaritaankaasi.
Dhinaca kale, Safiirka Maraykanka u jooga Kenya, Robert Godec waxa uu beeniyey in la qarinayo Xaqiiqda falkii lagu dilay Marxum Cabdi Mahad Ibraahim, wuxuuna xusay inay socdaan baaritaanka Kiiskaasi, waa sida uu hadalka u yiri.
Boliska Kenya ayaa horey u sheegay inuu Marxumka Fiidnimadii Khamiistii la soo dhaafay uu tooreey ku dhaawacay Sarkaal ilaalo ka ahaa Safaaradda Maraykanka, ka hor inta uusan Sarkaalkaasi toogasho ku dilin Marxumka.
Warbaahinadda Caalamka, gaar ahaan kuwa Maraykanka iyo Kenya iyo Warbaahinadda Bulshadda ayaa lagu soo bandhigay Muuqaalka Maydka Marxumka oo ay dul taagan yihiin Saraakiil Kenyan iyo kuwo ka tirsan FBI-da Maraykanka.
©Radio Dalsan