Warbaahinta dalka Austria ayaa shaacisay in la xiray Qaxooti Somali oo 18-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu jabsaday Isbitaal iyo inuu isku tijaabiyey inuu kufsado Haweeney Bukaan ah oo jiiftay Qeybta Dadka Waalan ee Isbitaalka.
Is-dayga Weerarka Kufsiga ayaa la sheegay inuu Eedeysanaha geysta Waaberigii hore ee maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, kadib, markii uu weeraray Haweeney Bukaan ah oo 29-jir ah, taasi oo jiiftay Qeybta Dhimirka ee Isbitaalka Jaamacadda (The University Hospital of Innsbruck) oo ku yaalla Gobalka Tyrol ee dalkaasi.
Sida laga soo xigtay Agaasinka Boliska Degmadda Tyrol, Haweeneyda Bukaanka waxay riixday Badhanka Gurmadka si loogu soo gurmado. lagana dul-qaado Ninka Soomaaliga ee u geystay Weerarka Kufsiga ahaa, waa sida hadalka loo dhigay.
Dhinaca kale, Dalka Jarmalka waxaa lagu xiray Nin Somali ah, kadib, markii lagu soo oogay inuu dab qabadsiiyey Xarun lagu hayo Qaxootiga oo ku taalla Degmadda Stahnsdorf ee Gobalka Potsdam.
Duqa magaalladdaasi, oo la hadlay Warbaahinta RBB ayaa sheegay inay dhowr qof ku caburmeen dabbkaasi, lana dhigay Isbitaalka.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan ahayn markii uu horreysay ee dab la qabadsiiyo Xerooyinka ay ku jiraan dadka Qaxootiga.
Dabkaasi ayaa la sheegay inay ku caburmeen Nin ka tirsan Ilaaladda iyo dhowr Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka.
Dhacdo kale, Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta ayaa la soo taagay Muwaadin Soomaali ah oo lagu qabtay Saddex Kiilo iyo Bar oo Qaad ah.
Ninkaasi oo lagu magacaabo C/rashiid Aadan Guuleed ayaa la sheegay in maalintii Axadda ee la soo dhaafay lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Malta.
Ninkaasi oo 22-jir ah ayaa beeniyey inuu watay Qaadkaasi, balse, Maxkamadda ayaa amartay in lagu sii hayo Xabsiga.
©Radio Dalsan