Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo cusub oo isku xiri doonta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, iyadoo sii maraysa agagaarka Isbitaalka Madiina.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka muhiimka ah, ay mudnaan gaar ah u leedahay maamulka, isagoo hoosta ka xarriiqay in aan la aqbali doonin waxyeello loo geysto waddooyinka cusub ee la dhisayo. Wuxuu sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo saarayo habraacyo cadcad oo ay ku shaqeyn doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.
Guddoomiye (Muungaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeelato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee dalalka horumaray.
“Waxaan bulshada ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda magaalada iyo horumarka guud,” ayuu yiri Dr. Muungaab, isagoo xusay in Muqdisho ay u qalanto inay yeelato muuqaal la tartami kara caasimadaha dunida kale.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa kasoo qeyb galay guddoomiye ku-xigeennada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, ganacsato, odayaal dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada rayidka ah.