Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayna wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale, ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray dalka Tanzania.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dar es Salaam, iyadoo ay ku qaabileen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania iyo Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Mudane Ilyaas Cali Xasan.
Ujeedada booqashada ayaa isugu jirta xarig-jarka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, kaas oo dib u dhis iyo qalabeyn heer sare ah lagu sameeyay, iyo ka qeybgalka xuska 65 guurada maalinta xorriyadda Tanzania.
Inta ay joogaan dalkaasi, wafdiga wasiirrada ah ayaa kulammo laba geesood ah la yeelan doona dhiggooda Tanzanian-ka, iyaga oo diiradda saari doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.