Abu Bakar Al-baqdaadi ayaa hadalkaasi ku sheegay Fariintiisa ugu horreysay ee uu soo diro, tan iyo markii Ciiddanka Iraq iyo Isbahaysiga Maraykanka duulaan ku qaadeen magaalladda Mosul ee Waqooyiga Iraq.
Hoggaamiyaha Dacaish oo magaciisa rasmiga yahay Ibrahim Cawad Ibrahim Cali Maxamed Al-Badr Al-samaari waxa uu Fariintiisa oo socotay muddo 30 daqiiqo ugu baaqay Dagaalamayaashiisa inay xoojiyaan Dagaalka Jihaadka ee loogu soo horjeedo Caddowga Alle.
Dhinaca kale, waxa uu ugu baaqay Maleeshiyada Daacish inay weerar ku qaadaan dalka Turkiga oo uu ku eedeeyey inay Daacish kula dagaalamayaan gudaha dalka Syria.
Abu Bakar Al-baqdaadi waxa kale oo uu Taageerayaashiisa ugu baaqay inay weeraraan Sacuudiga, gaar ahaan xubnaha Qoyska ka taliya dalkaasi, Ciiddanka Ammaanka iyo Suxufiyiinta.
©Radio Dalsan