Ciidamada Booliska Puntland iyo kuwa Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR), gaar ahaan Hawlgalka ATALANTA, ayaa kulan muhiim ah oo ku saabsan amniga badda ku yeeshay dusha sare ee markabka dagaalka ee Isbaanishka, ESPS Navarra (F85), oo ah calan-side hawlgalka Atalanta.
Wafdiga Puntland oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Sakariya Cabdiraxmaan, ayuuna wehelinayay Gaashaanle Dhexe Aadan, ayaa kulankaas la yeeshay Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan EUNAVFOR. Kulanka ayaa ka dhacay waqooyiga dekedda Boosaaso, iyada oo diiradda la saaray kor u qaadidda iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta amniga badda.
Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xeeladaha lagula dagaallamayo burcad-badeednimada, dambiyada ka dhaca badda sida tahriibka iyo kaluumaysiga sharci darrada ah, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga badda.
“Booqashadani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaalladayada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga badda iyo iskaashiga caalamiga ah,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Sakariya Cabdiraxmaan. Wuxuu intaas ku daray, “Fahanka iyo garashada awoodaha ciidamada badda ee bahwadaagta nala ah waxay muhiim u yihiin horumarinta howlgaladeenna iyo xaqiijinta badqabka biyaha Soomaaliya.”
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay ugu jiraan sugidda amniga badda, la dagaallanka dambiyada xuduud-dhaafka ah, iyo xaqiijinta horumar waara oo gobolka ah.