Ilo Milliteri oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda Yemen ayaa sheegay in 21 ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta lagu dilay dagaal ka dhacay Bartamaha dalkaasi 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Iska horimaadkaasi ayaa waxa uu ka dhacay Gobalka Ma’rib ee Bartamaha dalkaasi, kadib, markii ay Ciiddanka Dowladda iska caabiyeen weerar ay Kooxdaasi soo qaadeen.
QM waxay ka digtay Colaadaha ka socda Gobalka Ma’rib oo Hoy u ah ku-dhawaad Hal milyan oo qof oo Barakacayaal ah.
Dhinaca kale, Telefishinka Kooxda Xuutiyiinta ee Al-Masiirah wax war ah kama sheegin dagaal dhulka oo ka dhacay Gobalka Ma’rib, inkastoo ay soo hadal-qaadeen inay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga 12 jeer duqeeyeen goobaha ay Xuutiyiinta ka haystaan Deegaanadda Sirwah iyo Rahabax.