Manchester United ayaa xaqiijisay saxiixa weerarka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic.
Kadib todobaadyo badan oo hadal soo socday, 34-sano-jirkan ayaa ku dhawaaqay shalay galab in uu heshiis la gaaray kooxda heysata 20-ka horyaal ee English Premier League, kadib markii uu si xur ah uga soo tagay Paris Saint-Germain.
Ibrahimovic ayaa lala xeriirinayay kooxda AC Milan Balse ugu dambeyn waxaa uu ka door biday kooxda Manchester United.
Ibrahimovic, ayaa todobaadkii ka qaadan doona Man United aduun lacageed gaaraya  £200,000, Ninkan ayaa hore ugu soo guuleystay horyaaladda Sweden, Netherlands, Italy, Spain iyo France.