Deni iyo Axmed Madoobe oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada  Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan shirkii Dowladdu shaacisay in uu fashilmay.

Waxaana Beesha Caalamka ay u sheegeen  in aanay ogeyn shir fashilmay, iyagoo meesha ka saaray wararka sheegaya shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay shirka ku xireen, kaasi oo Dowladdu horay u sheegtay in ay mas’uul ka ahaayeen labada maamul Goboleed in lagu kala tago shirkii Afisyooni.

Labada mas’uul ayaa Beesha Caalamka u sheegay in wali ay taagan yihiin aragtidoodi hore ee shirka bilowgiisa, waxaana ay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in aanu doorasho rabin, oo uu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase.

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sheegay inay dhinaca kale ee dowladda Federaalka la kulmayaan, iyagoo marka ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan la wadaagi doona dalalkooda, halkaasoo iyana laga sugayo in illaa caawa warar ka soo yeeraan.

Beesha Caalamka ayaa aad uga walwasan natiijo la’aanta shirkii Afisyooni, waxaana laga sugayaa in saacadaha soo socdo war soo saaraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor