Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqay inuu casilay xilkii Madaxtinimada Hirshabeelle.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Waare ayuu ku shaaciyay inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii mudda saddexda sanno aheyd ee uu ka haayay Hirshabeelle, isagoo ka hadlay dhismaha Cusub ee Hirshabeelle.
Waare ayaa marka hore Qoraalkiisa ku sheegay inuu soo jeediyay tallo aheyd in dib loo dhigo Doorashada Hirshabeelle inta laga qabanayo Doorashada Dowladda Federaalka, si looga tadasho dhismaha Maamulka Cusub, lana saxo qalalaadii hore ee dhacay, hayeeshee taas laga diiday.
Sidoo kale Waare ayaa nasiib darro ku tilmaamay sidaas wax u dhacaan, isla markaana ay ku qancaan dowladda Federaalka, duubabka dhaqanka, xildhibaanada matala Hirshabelle iyo hoggaanka mucaaradka oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashii hore oo horay ka hadli jiray dhibaatooyin ka taagan deegaano kale iyo maamul goboleedyada kale.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Go’aan ku gaaray in gebi ahaan uu iska casilo xilka dowlad Goboleedka, isagoona guul iyo horumar u rajeeyay Hirshabeelle.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Maxamed Cabdi Waare.