Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan uga socda Muqdisho

Waxaa Goordhaweyd Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulankii ugu horreeyay ee Kal-fadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, isla markaana waxaa goobjoog ka ah kulnkaas 156 xildhibaan oo ka tirsan Mudayaasha Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka ayaA ah qodobada soo socda.

1-Akhrinta 1-aad hindisaha dib u eegista iyo kabista sharciga Xisbiyada Siyaasadda dalka.

2- Soo bandhigista ansixinta xubin cusub ee guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye.

3-Qeybinta Akhrinta 2-aad labada hindise sharciyeed ee kala ah.

A- Hidise sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed.

B- Hindise sharciyeedka Nootaayada Dadweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media