Ciidamada Badda ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa u sheegay in Ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Magaalada oo xiliyada qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro, taasina ay tahay in laga hortego.
Ciidanka ayaa howlgalka sigaar uga fuliyay Xarumo Ganacsi oo ku yaalla Boosaaso, sidoo kalena dadka weydiinayay su’aalo la xiriira dhanka amniga, iyagoona baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka.
Saraakiisha Ciidanka Badda ee Puntland ayaa shacabka Magaalada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro oo isugu jira Dil, weeraro iyo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland ayaa waxaa ay kamid tahay deegaanada Puntland ee lagu qaban doono Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .