Madaxweynaha Dowladda Federalka, Guddoomiyah Barlamaanka Federalka, iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul-gobaleedyadda, Odayaal-dhaqameed, Ergadda Urur-gobaleedka IGAD iyo kuwa Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galayo Munaasabad lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha HirShabelle iyo Ku-xigeenkiisa.
Madaxweynayaasha Galmudug, K/Galbeed, Madaxweyne-ku-xigeenka Jubbaland, Ergayga Khaaska ee QM ee Arrimaha Somalia, Michaeal Keating, Danjirayaasha shisheeyaha u jooga Somalia iyo madax kale ayaana ka wada qeyb galayo Munaasabadaasi.
Munaasabadaasi waxay goor dhow ka bilaabantay Hoolka Shirarka ee magaalladda Jowhar, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka Guud ee magaalladda Jowhar.
Dhinaca kale, Madaxweynaha iMaamulka HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble iyo Ku-xigeenkiisa, Cali Guudlaawe waxay Isniintii la soo dhaafay ku guuleysteen Doorashadaasi oo ay kula loolameen Musharixiin kale.
Maamulka cusub ee HirShabelle waxaa la filayaa inay Toddobaadkan doortaan xubnaha uga mid noqona doona Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
©Radio Dalsan