Qarax xoogan oo gilgilay Magaalo ku taalla Suuriya

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay qarax weyn oo gilgilay magaalada Tal Abyad, ee ku taal waqooyiga Suuriya ee ay gacanta ku hayaan ciidammada Turkiga, mas’uuiyiinta Turkiga ayaa sidaas sheegay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee waddanka Turkiga ayaa waxa ay sheegtay in ugu 20 qof oo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.

Ciidammada Turkiga iyo fallaagada ay baritaaraan ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Tal Abyad iyo magaalooyin kale oo ku yaal xadka kuwaas oo ay ka saareen ciidammada Kurdiyiinta, kaddib markii ciidammada Mareykanka oo ilaalinayay Kurdiyiinta ay meesha isaga baxeen.

Dagaalyahannada gacansaarka la leh Turkiga iyo dad rayid ah ayaa ku jiray dadka ku dhintay weerrarkii Sabtida, sida ay sheegayso hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay UK.

Hay’adda xuquulqul Insaanka ee indha-dhaysa xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in 30 qof oo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ayaa weerrarka waxa ay ku eedaysay maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG. Ilaa iyo haatanse ma ay jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerrarkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media