Maamulka Jubbaland oo sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Shabaab

Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan Degmadda Dooloow ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa isku soo dhiibay Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab, kaasi oo sheegay in Kooxdaasi uu isaga tagay dhibaatooyin fara badan oo uu kala kulmay Awgeed.

Sarkaalka Ciidamada Ammaanka isku soo dhiibay, ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Ibraahim, waxaana uu kamid ahaa Horjoogeyaasha  Alshabaab u qaabilsan dhanka Howlgalada iyo Aruurinta Lacagta ay Shacabka ka qaadaan.

Aadan Ibraahim, ayaa mar uu ka hadlayey sababihii uu isku soo dhiibay, waxa uu sheegay in Alshabaab hadda dhexdooda uu ka jiro kala shaki aad u weyn, islamarkaana ay bilaabeen inay is dilaan dhexdooda, dhibaato kala duwanna loo geysto dhalinyaro badan oo Kooxdaasi daacad u ah,  isaggoo xusay inuu u dulqaadan waayey Xasuuqa ay u geysanayaan dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Aadan Ibraahim, ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka kor ku xusan iyaddoo ay jiraan, cabsi badanna uu ka qabay inuu Dowladda isku soo dhiibo ay soo gaartay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markale Cafis u fidiyey dhalinyaradda kamidka ah Nabad diidka, si ay isku soo dhiibaan, fursadaasna uu ka faa’iideystay, sidaasna uu ku yimid degmadda Dooloow ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Degmadda Dooloow oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay kuwa ka tirsan Nabad diidka ee ka  faa’iideysanaya Cafiska Madaxweynaha ay soo dhoweynayaan, waxaana wali kuwa ku harsan Kooxda Alshabaab uu ugu baaqay inay fursadda dowladda ay ka faa’iideystaan.

Xigasho Sonna

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media