Kooxo hubeysan bustoolado ayaa Galabta qeybo ka mid ah degamda Dharkenley ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ku dileen sida la sheegay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya
Agagaarka Jiirada Macalin Nuur ee degmadaasi ayuu falkaan dilka ah ka dhacay sida ay dadka deegaanka u sheegeen Raadiyaha Dalsan,waxana la sheegay in dilka kadib ay raggii falkaas geestay ay Goobta isaga baxsadeen.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in Askarigaas uu caan ka ahaa degmada Dharkenley, isla markaana uu ilaalo ka ahaa Goob Shidaalka lagu iibiyo, ugu dambeyna Galabta la dilay.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta gaaray kuwaas oo ilaa iyo Caawa howlgal ka wada wallow weli aysan ku guuleysan soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilka Askarigaas.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan, iyada oo weli Ciidamada xasilinta amniga ay Muqdisho ka wadaan howlgallo aan kala joogsi laheyn.
Dhanka kale xirii ayaan la sameynay Maamulka degmada Dharkenley si aan wax uga weeydiino dilka Askarigaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.