Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa gaaray caasimadda Juba ee Suudaanta Koonfureed si ay uga mid noqdaan mas’uulyiinta soo dhawaynaysay hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar oo muddo labo sanno ah dalkaasi dibadda uga maqnaa.
Suudaanta Koonfureed waxay maanta u dabaaldegaysaa maalinta nabadda, labo ka hor ayay ahayd markii madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ay kala saxiixdeen heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo colaadda shano sanno jirsatay ee dalkaasi ka taagnayd.
Raadiye ay Qaramada Midoobay leedahay ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawir madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Juba isagoo uu barbar taagan yahay madaxweynaha Suudaanta Koonfureed.
BBC