Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xrunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay halkaasi isku rasaaseeyeen Maleeshiyaad hab beeleed u abaabulaan rasaastaas oo dhalisay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Maleeshiyadkaan ayaa ku dagaalamay xaafada lagu Magacaabo Kiboore ee dhanka Dalxiiska kadib markii Maleshiyaadka dagaalamay ay isku qabsadeen Dhul halkaasi ku yaalla.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay dalsan u xqiijiyeen dhimasahda 2 Ruux halka dhwac kale uu jiro balse asyan cadeyn.
Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xili Dhamaan Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira ay ku wada sugan yihiin Gudaha Magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan shir Beri ka furmaya isla markaan ammaanka siweyn loo adkeeyay.