Akhriso: Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Dagaalka ka socda Suudaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya Ciidamada iyo Xoogagga Birmadka Deg-degga ee dalka Suudaan, ee  maalmihii shalay aheyd ka qarxay magaalada caasimadda ah Suudaan ee Khartuum.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay walaac ka muujinayso isku-dhacyada hubaysan ee ka socda Suudaan.

Dowladda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta Colaada Suudaan in ay si deg deg ah u joojiyaan, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan” ayaa lagu yiri Warka dowladda Soomaaliya oo ku qornaa Luuqada Carabiga.

Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa waxaa waxbarasho u jooga boqolaal arday Soomaali ah, kuwaasoo wax ka barta jaamacadaha wadankaas, sidoo kalena waxaa jira dad Soomaali ah oo goobo Ganacsi ku leh dalkaas.

Kooxda ugu weyn malayshiyada sida milatariga u tababaran ee dalka Sudan ayaa Sabtidii shalay sheegtay in ay qabsatay qasriga madaxtooyada, guriga uu deggan yahay Taliyaha Ciidamada Milatariga iyo garoonka weyn ee caasimadda Khartoum.

Isku dhacyada qarxay ayaa daba socda xiisado ka dhex oogmay miltariga Sudan iyo ciidamada RSF oo qorshuhu ahaa in miltariga lagu daro iyo cidda howshaasi maamuleysa.

Hoos ka Akhriso Warka ay soo saartay dowladda Soomaaliya

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor