Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe waxa la sheegay in uu Madaxweyne-ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi (Carabeey) iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulkaasi, Cali Gacal Casir ku casuumay inay yimaadaan Kismaayo.
Axmed Madoobe oo maanta Khadka Telefoonka kula xiriiray Madaxdaasi waxa uu u sheegay inuu Shaqsi ahaan doonayo inuu xaliyo Khilaafka Madaxdaasi kala dhexeeyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle “Xaaf†oo haatan ku sugan magaalladda Kismaayo.
Ilo ku dhow Maamulka Galmudug waxay sheegeen inay Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug ka cuddur-daarteen Casuumaadaasi, iyagoo sheegay inay Hawlo xasaasi ka hayaan  Maamulka Galmudug.
Ilo ku dhow Labadaa Mas’uul waxay tilmaameen inay Axmed Madoobe  si cad u sheegeen inaysan diyaar u ahaayeen inay wada-xaajood dhexdhexaadin ah la galaan Madaxweyne Xaaf oo ay isku khilaafeen go’aankii uu ku taageeray Isbahaysiga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.
Ma cadda inuu Madaxweynaha Jubbaland uu horey dhigiisa Maamulka Galmudug ugala hadlay Dhexdhexaadinta Hoggaanka Galmudug ee kala qeybsan.