Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharamarke ayaa ku guuleystay inuu Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland kulansiiyo, kana wada hadlaan Xal-u-helista colaadihii ka dhacay Gaalkacayo.
Shirkaasi oo maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacayo, ayaaa waxay Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Guuleed u yeesheen Kulan Toos ah, iyadoo Kulankaasi ahaa kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan.
Kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka iyo Ergooyin Caalami ah ayaa waxay Labada Madaxweyne ballan-qaadeen inay fulin doonaan Heshiiska Nabadda, kana shaqeyn doonaan Nabadda Gaalkacayo.
Dhinaca kale, Kulankaasi waxaa lagu doortay Guddi Farsamo oo Isku-dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Dowladda Federalka, Maamulladda Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo K/galbeed, si ay u sii ambaqaadaan Taabagelinta Heshiiska Nabadda iyo Xalinta Khilaafyaddii dhacay.
Madaxweynaha Jubbaland, waxaa la raaciyey Ergadda Puntland ee Guddiga Isku-dhafka, halka Madaxweynaha K/Galbeed isagana la raaciyey Ergadda Galmudug.
Ammaanka Garoonka Gaalkacayo ayaa aad loo adkeyey, waxaana dhinaca Ammaanka loo xil-saaray Ciiddanka Maamulka Puntland oo iyagu muujiyey Taxadar dheeraad ah.
© Radio Dalsan