Boqolaal Ruux oo lagu qabtay howlgal laga sameeyey Dhuusamareeb

Ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Howlgalkan ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafadda lagu magacaabo Dayax ee ku taalla halkaas, waxaana lagu soo qabtay ku dhawaad 300 oo ruux oo u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka ay goob barxad ah isugu geeyeen dadkii lagu soo qabtay howlgalka, isla markaana qaarkood sii daayay, halka kuwo kalena ay horey u wateen.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay in ragga lasoo qabtay lagu sameeyn doono baaritaano kala duwan, kadib markii looga shakiyay falal amni daro xili shalay ciidanka amniga qabteen wax yaabaha qarxa oo lagu qariyay gudaha Magaalada.

Ujeedka howlgalka laga sameeyay Magaalada Duusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo dhawaan halkaas lagu wado inay ka dhacdo Doorshada Madaxtinimada Galmudug iyo mid Guddoonka Baarlamaanka maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media