Taliyaha Qeybta Guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa u sheegay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in qarax ka dhacay meel u dhow saldhiga degmada waaberi ee gobolka Banaadir aanu geysan wax qasaaro ah.
Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa ganacsade lagu magacaabo Xuseen Jaamici oo gaarigiisa lagu soo xiray, balse qaruxu uu dhacay markii gaariga uu ka dagay ganacsadahaasi.
Waxaa jira dhaawac fudud oo ganacsadaha soo gaaray, sidoo kalena wiil caseeye ama baalashle ah ayaa isna dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi.
Xaalada halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa iminka dagan iyadoo ciidamada amaankana ay ku howlan yihiin dadaaladooda dhinaca sugida amniga.
Xigasho: SONNA