Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa waxa uu si rasmi ahaan u shaaciyey inuu yahay Musharax Madaxweyne, kana qeyb geli doono Doorashadda bisha October 30-da lagu dooran doono Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Somalia.
Cumar C/rashiid oo Xilalka Ra’isul-wasaare ka soo kala qabtay Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Dowladda Federalka ee haatan oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hayinka u hayo.
Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid ayaa ah Siyaasi Qunyar-socod ah, waxaa lagu xusuustaa Dadaalkii Nabadeynta ee lagu dhameeyey Dagaalkii Maamulladda Puntland iyo Galmudug ku dhex maray magaalladda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.
Ra’isul-wasaare Cumar oo ah Somali Canadian waxaa dhalay Madaxweynihii hore ee Dowladii Rayidka ee Somalia, Marxuum C/rashiid Cali Sharma’arke, kaasi oo bishii October ee sannadkii 1969[-kii lagu dilay magaallo-madaxda Gobalka Sool ee Laas caanood.
©Radio Dalsan