Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa xalay hoygiisa kulan kula qaatay safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkey Mehmet Yilmaz.
Kulanka u dhexeeyay Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dowladood ee ku saleeysan dhinacyo kala duwan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Turkiga iyo Shacabkeeda uga mahad celiyay garab istaagooda Soomaaliya iyo sida ay mar walba uga go’antahay adkeynta Xiriirka labada wadan.
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxaana Turkiga uu Soomaaliya ka taageeraa dhinacyo badan oo ugu weyn tahay tababarada lasiiyo Ciidanka dowladda.