Haweeneyda Maraykanka u joogta Golaha Ammaanka QM, Ambassador Samantha Power ayaa booqasho ku tegtay Caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba, si ay kulan ula yeelato Madaxda Ethiopia iyo Saraakiisha Ururka Midowga Afrika.
Waxay sheegtay in Xiisadaha ka aloosan Ethiopia gaartay heet khatar ah, waxayna Dowladda Ethiopia ugu baaqday in dadka loo oggolaado inay si nabad ah u dibad baxaan iyo in Baaritaan Madax bannaan lagu sameeyo khasaarihii ka dhashay Dibadbaxyadii labadii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi.
Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horreysay walaac ka muujisay deganaansho la’aanta ka jirta Ethiopia, iyadoo ay dhaceen Dibadbaxyo rabshado watay oo dad lagu dilay kuwana loo taxaabay Xabsiyadda.
©Radio Dalsan