Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay banaanbaxyo ka socda Wadamo badan oo ku yaalla Dunida oo ay kamid tahay Soomaaliya.
C/raxmaan C/Shakuur oo War qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sheegay in Nolosha ka jirta Soomaaliya aysan aheyn mid la qaadan karo, isagoona baaq u diray Shacbka Soomaaliyeed.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan abaabul nabadeed, isla markaana ay jebiyaan derbiga cabsida iyo cadaadiska dowladda Federaalka waa sida uu hadalka u dhigay.
“Nolosha Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan caasimadda ma aha mid la qaadan karo, sida keli ah ee ay shacabku uga xoroobi karaan cabsida argagexisada iyo cadaadiska dowladda waa in ay jebiyaan derbiga cabsida oo abaabul nabadeed la isugu soo baxaa si noloshan dayaca iyo darxumida ah loo beddelo”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.
Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir hadalkiisa sii raaciyay “Dhallinyaradu way karaan arrinkaas ee dadaal iyo waqti geliya, doodo iyo aragti is dhaafsada”.
Si kastaba hadalkan C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalintii labaad Banaanbaxyo Magaalada Muqdisho ay ka dhigayaan darawalada gaadiidleyda BL-ka ee howlgasha Waddooyinka ku yaalla Caasimadda, kaasi oo ay uga Cabanayan Lacago lagu kordhiyay Gaadiidka iyo xirnaashaha Waddooyinka.