Golaha Wasiiradda ee Sacuudiga ayaa go’aamiyey in Isbedel lagu sameeyo qaabka ay Hay’addaha Dowladda ku bixin jireen Mushaaraadka Shaqaalaha, iyadoo dalkaasi muddo 80-sanno mushaaraadka lagu qaadan jirey Taariikhda Hijiriyadda.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Mushaaraadka la bixin doono 25-ka bil kasta ee Taariikhda Miilaadiyadda, halka horey loogu bixin jirey bil kasta ee dhmaaadka Taariikhda Hijriyadda.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay in lala jaan-qaadayo inta badan dalalka Caalamka oo iyagu ku dhaqma Taariikhda Miilaadiyadda.
©Radio Dalsan