Maanta oo Arbaca ah ayaa waxa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho
AJENDAHA Kulanka ayaa ah Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Duulista Hawada ee Rayidka iyo Akhrinta 3aad ee Xisaab Xirka 2017.
Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulanka,isla markaana waxaa Xildhibaanada lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulanka.
Maalintii Isniinta aheyd ee la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Meelmariyay wax ka badal lagu sameeyay Sharciga Saxaafada.